Guddi Farsamo Oo Xil saaray in ay ka shaqeyaan halka ugu haboon ee uu ku qabsoomikaro shirka uu iclaamiayay Madaxweyne farmaajo ayaa maanta waxa ay kulamo la filayaan in ay ku qaataan magaalada beydhabo ee xarunta gobolka baay
guddigaan farsamo ayaa waxa ay ka kala socdaan madaxda dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir waxaana la sameeyay guddigaan kadib markii uu muran xoogan ka dhashay shirka wadatashiga ah ee uu iclaamaiayay madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo in uu ka furmayo magalaada garoowe
warkasoo baxay maamulka puntland ayaana lagu sheegay in shirkaasi loobaahanyahay in lagu qabto magaalada muqdisho ee caasimada dalka
intaasi kadib xukuumada soomaaliya ayaa waxa la sheegay in ay go,aansatay in la sameeyo guddi ka shaqeeya in xal gala gaar halka lagu qabanayo shirka ay iskugu imaanayaan madaxda dowladda ,dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir
guddigaan yaa waxa uu kakoobayahay ilaa iyo 14 xubnood waxaana laga dhursugayaan in ay cadeeyay halka lagu qabnayo shirka wadatashiga ah ee ay iskgu imaanayaan madaxda dowlada iyo mamul goboleedyada
maanta oo sabti ah ayaana waxa la sheegay in guddigu uu ku shirayo magaalada beydhabo ee xurunta ku meel gaar ka ah ee maamulka koonfur galbeed soomaaliya .

