Mid kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka 15-ka bishaan ka dhacaya Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland Sida DowladdaDhexe kua adkeysanayso.
Xildhibaan Aadan Cabdi oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle, oo lahadlayay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in shirka ay ka sugayaan natiijo wanaagsan.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in DowladdaDhexe shirka loogu dambeeyo,islamarkaana 15-ka bishaan shirka la qabto.
Dhanka kale Xildhibaan Aadan Cabdi oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa kaga digay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Saciid C/laahi Deni iyo Axmed madoobe in ay fashiliyaan shirka 15-ka bishaan dhacaya,iyagoo marmarsiyo ka dhiganaya arinta Gobolka Gedo iyo in Ciidamadda qaranka laga soo saaro halkaas.
Dhanka kale Xildhibaan Aadan Cabdi oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshadda oo ku aadanaa in Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka hir-shabeelle uu qabtay Mooshin laga keenay madaxweynaha maamulkaasAxmed GuudlaaweXuseen.
Waxauu sheegay Xildhibaan Aadan Cabdi in wararkaasay baahiyeen daddano gaarah leh,islamarkaana mas’uuliiinta iyo Madaxda Hir-shabeelle ay kuwada Sugan yihiin Magaaladda jowhar.

