wararka imaanaya Gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay dagaal xoogan oo udhexeya ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab uu ka dhacay deegaan hoostaga degmda raaga ceelle ee gobolka shabeelaha dhexe
dagaalkaan oo ahaa mid qaraar ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay weerar xoogan ku qaadeen Xubno dagaalamayaasha al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka ka tirsan degmada raaga ceelle
Deegaankaan ayaa waxa la sheegay in dhawaan al-shabaab ay kala weegeen ciidamada dowladda islamrkaasna ay ku sugnaayeen maalmihii ugu dambeeyay
ilaa hada lama qaxiijin qasaara dhabta ah ee ka dhashay dagaalka barqanimadii maanta dhacay deegaan ka tirsan raaga ceelle kaas oo u dhexeyay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab
ciidamada dowlada ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi waxaana ay sheegeen in gabi ahaanba ay la wereegeen gacan ku heeyenta deegaanka uu dagaalku ka dhacay kaasi oo dhawaan ay la wareegin xubno ka tirsan gagaalamayaasha al-shabaab

