Ciidamada Dowladda Oo Dagaal Maanta Dib Ugu La Wareegay Deegaan Dhawaan Laga Qabsaday

0

wararka imaanaya Gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay dagaal xoogan oo udhexeya ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab uu ka dhacay deegaan hoostaga degmda raaga ceelle ee gobolka shabeelaha dhexe

dagaalkaan oo ahaa mid qaraar ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay weerar xoogan ku qaadeen Xubno  dagaalamayaasha al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka ka tirsan degmada raaga ceelle

Deegaankaan ayaa waxa la sheegay  in dhawaan al-shabaab ay kala weegeen ciidamada dowladda islamrkaasna ay ku sugnaayeen maalmihii ugu dambeeyay

ilaa hada lama  qaxiijin qasaara dhabta ah ee ka dhashay dagaalka barqanimadii maanta  dhacay deegaan ka tirsan raaga ceelle kaas oo u dhexeyay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha  al-shabaab

ciidamada dowlada ayaa guulo ka sheegtay  dagaalkaasi waxaana ay  sheegeen in gabi ahaanba ay la wereegeen gacan ku heeyenta deegaanka uu dagaalku ka dhacay kaasi oo dhawaan ay la wareegin xubno ka tirsan gagaalamayaasha al-shabaab

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here