Ciidamada amaanka gobolka bari ayaa waxa lagu soo waramaya in saacadiihii aan soo dhaafnay ay howlagalo qorsheysan ka fuliyeen gudaha magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga puntland .
howlgaladaani ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen kuwa lagu raadinayay dad falal amnidaro ka geeystay gudamagaalada iyo kuwa kale oo xogtooda la helay kuwaasi oo laga cabsi qabo in falal amniga lidi ku ah ay ka geeystaan magalaada boosaaso.
saraakiisha ciidamada amniga ee hogaaminayay howlgaladaani ka dhacay magaalada boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaani ay ku soo qababteen dad faradaban islamrkaasna ay baaritaano kala duwan ay ku sameyn doonan .
laamaha amnigu mashiigin tirada rasmiga ah ee dad la qabtay balse waxa ay sheegeen in gacanta ay ku dhigeen dad looga shakisanayahay in falal dambi ay geeysteen ayna hada baarayaan dadkaasi .
howlgakaan ay sameeyeen ciidamada amniga gobolka bari ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili maalmihii dambe fallal amniga kasoo horjeeda ay ka dhacyeen magaalada boosaaso taasi oo dilal siyaabo kala duwan loogu geeystay dad iskugu jiray shacab iyo masuuliyiin dowladeed.

