Banan Baxyo Ka Dhan ah Madaxweyne Farmaajo Oo Lafilayo In Maanta Ay Ka Dhacaan Muqdisho

0

iyadoo maanta ay ku beegantahay markii ladoortay madaxweynaha jamhuuriyda faderaalka soomaaliya mudane maxamed cabdulahi farmajo ayaa waxa jira abaabul bannabaxayo lafilayo in maanta ay ka dhacaan gudaha magalada caasimada ah ee muqdisho

bananbaxyadaan ayaa waxa la sheegay in ay soo aabaabulayaan midowga musharaxiinta waxaana la sheegay in banan baxyadaan ay yihiin kuwa madaxweyne farmaajo looga dalbanayo in uu xilka iska dhiibo islamarkaasna uu waqtigiisu dhamaaday

warar hoose oo aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in abaabulka banan baxayo dhan ah madaxweynaha farmaajo uu ka soconaya magaalada muqdisho iyadoona lafilayo in bananbaxyadaan ay maanta ka dhacaan gudaha magaalada casimada ah ee muqdisho

qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdisho ayaa maanta xiran iyadoona laga cabsi qabo in banan baxayo rabshada wata ay magaalada ka dhacaan

wax sidooakle jiray in kulamo gooni gooni ah oo looga hadlayay arinta madaxweyne farmaajo oo waqtigiisa saxda ah uu dhamaaday iyo in dalka aysan ka jirin wax saan saan doorasho wada ogol ah oo lagu wado in ay dalka ka dhacdo

waxaana la sheegay in kulamadaas intoodabadan aysan waxnatiijo ah kasoo bixin islamarkaasna ay kusoo dhamaadeen fashil

waxaana tani ay kusoo aadeysaa xili midowga musharaxiintu ay sheegeen in laga bilaabo 8 febraayo aysan farmaajo madaxweyne u aqoonsaneyn islamarkaasna uu waqtigiisii sharciga ahaa uu dhamaaday loona baahanyahay in kursiga madaxtinimo uu baneeyo

madaxweyne farmaajo ayaa ladoortay 8 bishii 2017 waxaana waqtigiisu uu ku egyahay maanta oo ah 8 bisha febraayo 2021 mana jirto wax doorasho ah oo ilaa iyo hada laga qabtay dalka

waxaana arintaasi si aad ah uga careysan qaar ka mid ah siyaasiyiinta xildoonka ah ee dalka kuwaas oo madaxweynaha ugu baaqay in dalka uu doorasho ka qabto loo dhanyahay oo xor iyo xalal ah  hadii kalana uu booska baneeyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here