waxaa xalay soo gabagaboobay shirka wadatashiga ah ee ka soconayay Magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug islamrkaasna u dhexeyay madaxda dowlada faderaalka ah iyo kuwa maamulka goboleedyada dalka
waxaana shirkaan oo laga dhursugayay in ay kasoo baxaan arimo badan oo kusaabsan aayaha dalka uu kusoo dhamaaday natiija la,aan
shirkaan waxa ka qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomali maxamed cadulahi farmaajo raiisul wasaare rooble iyo masuuliyiinkale oo ay ka midyihiim madaxda dowlad goboleedyada galmudug ,koonfur galbeed ,hirshabeele jubbaland ,puntland iyo maamulka gobolka banaadir
shirkaan ayaa waxa intiisa badan looga hadlayay xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka iyadoo shirku uu socday muddo sadax cisho ah ayaa waxa uu kusoo dhamaaday fashil iyo wax ka yar miisaaniyadii shirkaani laga filayay
shirkaan wadatashiga ah ee dhexeyay madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada inta uu socday ayaa waxa la sheegay in la sameeyay tanaasul iyo iskusoo dhawaansho badan iyanooda qodobada qaar laisku mariwayay
waxyaabaha shirka fashiliyay yaa waxa la sheegay in ay ka mid tahay arinta gobolka gedo oo maamulka jubbaland ay diidmo bdan sida la sheegay ay ka sameyay
wasiirka warfaafinta xukuumada faderaalka soomaaliya oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhamaaday shirkii madaxda dowlada dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir
wasiirka warfaafinta xukumada somalia cusmaan abuurkar dubbe ayaa waxa uu sheegay in shirkaan madaxda dowladdu ay tanaasul ka sameeyeen islamarkaasna ay ka tanaasuleen qodobo dhowr ah oo shirka looga hadlayay sida arintqa gobolada waqooyi oo madaxda dowladdu ay cabdi xaashi cabdulahi u o golaatay ilaa iyo afar kursi
waxakaloo uu sheegay in madaxdowladdu ay ka tanaasuleen arinta guddiga doorashada dalka oo ay dowladdu ogolaatay in wax kabadal ay kusameeyso
balse wasiirka ayaa waxa uu intaasi ku daray arinta gobolka gedo ay maamulka jubbaland ku dhagtay dhinacna loo marsiin waayay
wasiirka ayaana tilmaamay in madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomaliya uu ku baaqay in nmarkale shir laiskugu yimaado
shirkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili dowladdu ay ku fashiulantay in ay qodobo wax ku ool ah ay kasoo saarto shirkii kusoo gabagaboobay dhuusamareeb iyadoona shirkaan la sheegay in uu fashiliyay maamulka jubbaland oo diidmo badan sameeyay

