Gudoomiyihii Hore Ee Ahlusuna Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Dagaalka Ka Soconaya Deegaanka Xananbuure

0

Gudoomiyiyhii hore ee ahlusuna macalin maxamuud  ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka soconaya deegaanka xananbuure ee gobolka galgaduud

qoraal uu soo dhigay barahiisa interneetka ayaa waxa uu macalin maxamuud ku sheeehgay in loo baahanyahay in in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka socta gobolka galgaduud

qoraalka ayaana u qornaa sidatan

” Waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dirirta foosha xun ee sokeeye ku dhex marayso Deegaanka xananbuure ee Gobalka Galgaduud waxaan sidoo kale u tacsiyeynayaa ehelada intii ku dhimatay dagaalkaas inta dhaawaca ahna allaha u booga dhayo.

Waa wax laga Xumaado in maanta oo deegaankeena ay Cadawga Khawaarijtu ku hareeraysan yihiin in aan inaga dhexdeena isku jeesano meeshii aan u midoobi lahayn la dagaalanka arxan laawaayasha argagixisada ee Haldoorkeena Gumaadaya Maalin kasta.

Waxaa kaloo nasiib daro weyn ah in halka beelaha walaalaha ahi isku dagaalayaan oo 45 Km u jirta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay waliba ku suganyihiin masuuliyiintii dalka u dhaartay 4 sano ka hor ilaahay hortiis lagu Weeydiinayo meeshii ay ka danqanlahaayeen una istaagilahaayeen sidii loo jooji lahaa dhiiga qubanaya in ay ufadhiyaan shir aan maslaxad ugu jirin umada somaliyeed looganaweecday dariiqii lagubadbaadinlahaa dalka godka kusiidhacaya iyo xaflado wax qiimo ah aan laheyn oo ay kala muhiimsantahay in la joojiyo dhiiga dadka ehelka ah ee daadanaya.

Waxaan leeyahay walaalaha dagaalamaya Nabad baa idin wada deeqda nabad ayaad kuwada noolan kartaan walaalayaal dagaalka joojiya oo cadawgiina indhaha aad isku eegaysaan ku eega cadowgiina. Waxaan markale ugu baaqayaa culamaa udiinka odayaasha dhalinyarada haweenka siyaasiyiinta iyo dhamaan wax garadka deegaanka in loo istaago sidii loojoojinlahaa dhiiga Daadanaya wabilaahi towfiiq

hadalka gudoomiyihii hore ahlusujna ayaa waxa uu imaanaya xili dagaalka beeleedka ka socda deegaanka xanan buure shalay uu galay maalintiisii afaraad ilaa iyo hadana aysan jirin cid kala dhaxgashay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here