Wararka ka imaanaya magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa waxa hada lagu soo waramayaa in uu ka soconayo dagaal xoogan oo u dhexeeya habda genaraal xuud iyo ciidamaeda haramcad ayaa hada kasoconaya magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan
Dagaakaan ayaa waxa la sheegay in uu gordhaw ka bilowday gudaha magaalada baladweyne waxaana wararku ay sheegayaan in jabhadu ay la wareegtay qeybo ka mid ah magaalada sida ay idaacada simba u sheegeen saraakiil ka tirsan jabhada
Dagaalka ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii la sheegay in dad shacab ah oo banan bax dhigayay ay xabadeeyeen ciidamada haramcad ee dowladdu geeysay magaalada baladweyne
Waxaana intaasi kadib la sheegay in ciidamada haramcad ay weerar xoogan ku qaadeen jabhada iyo maleeshiyo hubeysan oo ddaka shacab ka ah
Warar ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dagaalku marba marka kiisa dambeysa uu sii xoogeeysanayo
Wali si dhab ah looma xaqiijin qasaaraha ka dhashay weerar saakay ka bilowday magaalada baladweyne balse dadka deegaanka ayaawaxa ay kusoo waramayaan in ay maqlayaan rasaas xoogan oo magaalada gudeheeda ka dhaceysa
majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo looga hadlayo dagaalka maanta la sheegay in uu kasocdo baladweyne

