Shirka Wadatashiga Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Oo Maalintiisii Labaad Galaya

0

Shirka wadatashiga madaxada dowlada federaalka ah maamul goboleedyada dalka iyo gobolka banaadir ayaa waxa uu si heer sare ah uga soconayaan magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug iyadoona shirku uu maanta galayo malintiisii labaad

Shirkaan oo looga hadlayo arimo badan oo kusaabsan doorashooyinka dalka ayaa waxa looga had;layaa sii lagu zxalin lahaa arimaha dooraashada ee khilaafku ka taaganyahay iyo dhameystirka heshiiskii 17-september ay magaalada muqdisho ku gaareen madaxda  dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka

Shirka ayaa  waxa la sheegay in hada uu soconayo meel wanaagsana ay waxmarayaan islamrkaasna heshiis laga gaaray iyo is afgarad laga gaaray qodoboda qaar ee laga dooday

Maamulka galmudug oo isagu martigalinaya shirka masuuliyiin ka tirsan ayaa waxa ay sheegeen in shirku uu kusocdo sidii loogu talagay islamrkaasna looga wada hadlay arimo xasaasi ah

Cali daahir madaxweyne  ku xigeenka maamulka galmug ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in shirka lagu lafa guray qodobo uu muran xoogan ka taagnaa kaasi oo ay ka mid tahay arinta ku raasta gobolada waqooyi ee soomaaliland ,Waxaana uu sheegay in si fahan laga gaaray qodobkaas balse wali aan la dhameystirin

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu intaasi ku daray in wali shirku uu socdo oo aan laga hordhici Karin balse sida uu ku socdo ay tahay mid Isfahan iyo isku soo dhawaan shoiyo ay ku jirto

Shirka wadatashiga madaxada dowlada maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir ayaa waxa qodobada xasaasi ah ee wali aan looga hadlin ka mid ah arinta gobolka gedo oo ay isku hayaam madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada

Madaxweynayaasha Maamulada puntland iyo jubbaland ayaa madaxda dowlada ka dalbanaya in gobolka gedo waxyaabaha ku saabsan lagu wareejin jubaland maadaama uu ka mid yahay sadaxda gobo lee uu ka koobanyahay mamulka jubaland

Maanta ayaa waxaa la filayaa in madaxdu ay Isfahan ka gaaran arintaasi oo ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee isha lagu hayo waxa lagu xalinayo

Shirkaan wada tashiga ah ee u dhexeya dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxa uu yahay mid si weyn looga dhursugayo waxa uu kusoo dhaamado,Taasi oo go’aamindoona in  doorasho ay ka dhacdo dalka horaanta sanadkaan doorashadaasi oo ah mid loo dhanyahay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here