Wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta xiisad colaadeed ay ka taagantahay deegaanada kaxandhaale iyo dhabad ee isla gobolkaasi galgaduud iyadoona Deegaanadani uu shalay ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeyay laba maleeshiya beeleed
Waxaana maanta laga soo sheegaya in laga cabsi qabo in markale uu dagaal dib kaga qarxo islamarkaasna haatan ay ishofadhiyaan maleeshiyaad kala taabacsan beelaha ku dagaalamay deegaanada kaxandhaale iyo dhabad ee gobolka galgaduud
Warar aan helayno ayaa waxa ay intaasi ku darayaan labada beelood ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan degaanadaasi islamrkaasna ay dadkabdeegaanka soo foodsaartay cabsi xoog leh oo ku aadan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi
Majirto cid ilaaa iyo hada kala dhaxgashay labada maleeshiya beeleed ee xiisadoodu maanta ay ka taagantahay kaxandhaale iyo badhad balse shalay ayuu dagaal qaraari halkaas ku dhexmaray dagaalkaasi oo ay ku dhinteen ilaa iyo sadax qofood oo labada dhinac ah iyo qasaare kale oo dhaawacyo ah
Dhankale waxa maalintii afaraad uu dagaal kasocdaa deegaanka xananbuure ee gobolka galgaduud Waxaana halkaasi ku dagaalamayaa laba
maleeshiya beeleed kuwaasi oo kasoo kala jeeda sida wararku sheegayaan degmooyinka dhuusamareeb iyo cadaado
Wali ilaa iyo hada lama xaqiijin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maanta dib uga bilowday deegaanka xananbuure
Maamulka galmudug majirto wax talano ah oo uu u qaaaday joojinta dagaal beeleedyada ka soconaya deegaanada dhaca gobolka galgaduud
Waxaana xusid mudan in deegaanada ay colaadu kasocdaan ay wax ka yar 50 km ay ujiraan magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug oo uu kasocdo shirka madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada

