Ciidamada Dowladda Oo La Weegay Deegaano Ka Tirsan Degmada Dhuusamareeb

0

Ciidamada Xoogga Dalka Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa howlgal balaaran saakay ka wada Deegaanada Sinadhaqo iyo labi-dulle oo jahada koonfureed kaga beegan Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug.

Howlkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib Ciidanka dowladda ay heleen xogo sheegaya in Deegaanadan ay mararka qaar yimaadaan xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab

ciidanka  dowlada goor hore gaarey ayaa waxa la sheegay in hada ay usocdaan baaritaano ay ka wadaan xaafadaha iyo goobihii fariisimaha u la sheegay in ay u ahaayeen Al-Shabaab

warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in al-shabaab  iskaga carareen deeganka  kadib markii ay ka war heleen in ay kusoo wajahan yihiin Ciidamada Xoogga.

Taliye ku-xigeenka Guutada 15-aad G/le. Xirsi Cali Quuri ayaa xaqiijiyay in Ciidamadu guul muuqata kasoo hooyeen Howlgaladan oo muddo socdey.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa shalay soo bandhigay meydadka dagaalamayaasha  ka tirsan Al-Shabaab iyo hub oo ay ku soo qabteen howlgal ay ka sameeyeen duleedka magaalada Samareeb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here