Weeraro khasaare dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa la sheegay in ay ka dhaceen dhowr saldhig oo ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ay ku lahaayeen degmooyin ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe.
xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa la sheegay in xalay saqdii dhexe ay weerar xoogan ku qaadeen laba saldhig oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Jowhar iyo deegaanka Xaaji Cali.
al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weeraro Dhowr ah oo ka dhacay shabeelaha dhexe ,waxaana ay sheegeen in qsaaro ay ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyo ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya ee amisom .
al-shabaab warar ay barahooda interneetka ku faafiyaan waxa ay ku sheeegeen in saldhigga ciidamada Burundi ay kula haayeen madaarka Jowhar ay madaafiic ku garaaceen halka saldhigga ciidamada amisom ee deegaanka Xaaji Cali ay weerar toos ah ku qaadeen
warkaan kasoo baxay al-shabaab ayaa waxa ay guulo kaga sheegteen Weerar kale oo isla xalay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe weerarkaas oo sababay dhimashada 1 askari oo ka tirsanaa ciidamada booliska maamulka degmada balcad.
wali maamulka hirshabeele iyo kan gobolka shabeelaha dhexe wax war ah kama soo saarin sheegashada weerara iyo dagaalada tooska ah ee al-shabaab ay sheegeen in ay ka fuliyeen degmooyinka balcad ,jowhar iyo deegaano hoostaga

