magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug waxa maanta oo arbaca ah lagu wada in uu ka furmo shirka wada tashiga madaxda dowlada iyo dowlad goboleedyada dalka .
shirkaan ayaa waxa balantu ay aheyd in uu furmo 1 bishaan balse dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii masuuliyiintii shirkaan ka qeyb gali laheyd aysan imaaan magaalada dhuusamareeb oo uu shirku ka dhacyo .
shalay illaa iyo xalay ayaa waxa lagu waday in shirku uu furmo balse aysan dhicin dowladda ayaana war rasmi ah kasoo saaratay waqtiga uu furmayo shirkaas.
wasiirka warfaafinta xukuumada faderaalka soomaaliya cusmaan abuukar dubbe oo shir jara,id xalay ku qabtay magaalada dhuusamareeb ayaa waxa uu sheegay in maanta oo arbaco ah uu shirku furmayo islamarkaasna ay dhamaan soo xaadireen masuuliyiintii shirka ka qeyb gali laheyd.
wasiir dubbe ayaa waxa uu intaasi ku daray in ujeedka shirkaan iyo waxyaabaha looga hadlayo uu yahay arimaha dooradhooyinka dalka gaar ahaana xalinta khilaafaadka doorashada dalka ka dhaceysa
wasiirka ayaan tilmaamay in si gaar ah diirada shirkaani loogu saar doon heshiis 17v setemper dhexmaray madaxda dowlada federaalka ah iyo madaxada maamul goboleedyada dalka.
shirkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili uu muran xoogan hareeyay doorashooyinka dalka ka dhaceysa sanadkaan 2021 taasi oo hada la filayo in ay xal kasoo gaaraan madaxada ku shireysa magalaada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug

