warar ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaan in weerar qasaara geeystay uu xalay ka dhacay gudaha degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe
weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahayeen degmada balcad
waxaana ay wararku sheegayaan in uu weerarkaan uu si gaar ah uga dhacay bar koontarool oo ciidamada dowladda gaar ahaana ku maamulka degmada balcad ay ku lahaayeen wadadda yaroow farxaan oo ka timaada dhanka degmada jowhar islamrkaasna soo gasha degmada balcad
warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar kaan oo saacado qaatay islamarkaasna uu ka dhashay qasaara kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac
wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaani uu ka dhashay qasaaraha hal askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda mana jirto wax faahfaahin dheeri ah oo laga helay weerarka xalay ka dhacay gudaha degmada balcad maadaama uu weerarku dhacy xili habeen ah
wali majirto ah waxa war ah oo kasoo baxay mamaulka hirshabeele iyo kan degmada balcad oo looga hadlayo weerarka qasaaraha dhaliyay ee xalay ka dhacay gudaha degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe
Al-shabaaab ayaa inta badan guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay gobolka shabeelaha dhexe
al-shabaab ayaana mudooyinkii dambe kordhiyay weerarda ay bka fulinayaan deegaanada dhaca gobolka shabeelaha dhexe
dhowr jeer oo hore ayay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab siyaabo kala duwan guulo uga sheegteen dagaalo iyo howlgalo ka dhacay gobolada shabeelooyinka

