Maamulka Galmudug Oo Jawaabay Madaafiic Lagu Garaacay Dhuusamareeb

0
Taliyaha Guutada 15-aad ee Qeybta 21aad Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed Gen Mascuud Maxamed Warsame ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen degaano hoostaga Dhusomareeb ay ku dileen dagalamayaal kstirsan Alshabaab halka uu sheegay in kuwa kalana ay  ku dhaawaceen
Gen Mascuud ayaa waxa kaloo uu sheegay in ay qabteen qaar kamida raggii hoobiyaasha kusoo tuuray magaalada dhuusamareeb iyo qoryihii ay isticmaalayeen.
qoraal kasoo baxay General Mascuud Maxamed Warsame Taliyaha Guutada 15-aad ee Qeybta 21aad Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed ayaa u qorna sidatan
” Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dableyda ee ciidanka xogga somalia ee qaybta 21aad gaar ahaan guutada15aad ee jabka iyo halaaga ugaysatay khawaarijtii xalay isku dayday in ay dhibaateeyaan shacabka caasimada Dhuussamareeb.
Waxay kugulaysteen ciidanku in ay kadhigaan mid ay dileen iyo mid ay nolasha kuqabtaan waxay kaqaniimaysteen dhamaan hubkii ay wateen khawaarijtu “.

.

Hadalka Taliyaha Guutada 15-aad ee Qeybta 21aad Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed ayaa waxa uu daba socdaa tira hoobiyaal ah oo xalay lagu weeraray magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug ,hoobiyaashaasi oo masuuliyadooda ay dhabarka u riteen dagaalamayasha al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here