Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.
Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe madaafiic culus ku qaaday xarumo kuyaal gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.
al-shabaab wararka ay barahooda interneetka ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen masuuliyada madaafiic xalay lagu garaacay magaalada dhuusamareeb
waxaana ay sheegeen in illaa 10 madfac ah ay ku garaaceen nawaaxiga madaxtooyada maamulka ‘Galmudug’ iyo saldhigga booliska.
al-shabaab sheegay in xalay markii ay madaafiicdu ku hoobanaysay magaalada uu khalkhal dhanka amniga ah ka bilaawday halka ay ku suganyihiin madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis.
warkasoo baxay al-shabaab ayaana lagu sheegay in madaxda dowladda lagu la cararayo gaadiidka aysan xabadu karin ee loo yaqaan BULLETPROOF.
Al Shabaab oo war kooban kasoo saaray weerarkii xalay ayaa sheegay in ay beegsadeen Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee shalay Dhuusamareeb soo gaaray.

