galinkii dambe ee shalay xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan oo ismiidaamin ku bilowday ku qaaday hotel afriik oo ku yaala km4 wadada aada garoonka diyaaradaha adan cade ee magaalada muqdisho
weerarkaan ayaa waxa ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid qaraxyo ku bilowday waxaana xigay xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab oo si toos ah u galay gudaha hotelka islamrkasna dagaal la galay ciidamada dowladda
ciidamada federaalka soomaaliya ayaa waxa ay xalay saqdii dhexe ku guuleysteen in ay soo gabgabeeyay weerarkii lagu qaaday hotelka afriik ee magaalada muqdisho
waxaana weerarkaani ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka shacab ah iyo saraakiil hore oo ciidaka dowladda ah
afhayeenka ciidanka booliska soomaaliya sadiiq aadan cali ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday hotel friik iyo in gabi ahaanba weeyay kaasi lasoo gabagabeeyay
afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in waqtibadan ay ku qaadatay soo afjarida weerarkaani sababtu ay aheyd in marka hore ay doonayeen dadka ay badbaadiyaan
afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in dad oo shacab ah , siyaasiyiin iyo saraakiil hore ay kasoo badbaadiyeen weerarkaani
waxaana uu sheegay in weerarkaan uu ka dhashay dhaawaca ilaa iyo 10 qofood iyo dhimashada sagaal ruux oo uu ku jiro janaraal maxamed nuul galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ciidanka dowladda
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaani waxaana ay sheegeen in weerar xoog ku gal ah ay ku qaadeen hotel afriik ay ku sugnaayeen sida ay sheegeen saraakiil ciidanka dowladda ah islamrkaasna ay qasaaro gaarsiiyeen
al-shabaab warar ay barahooda interneetka ku qortaan waxa ay ku sheegeen in weerar qasaaraha ka dhashay uu yahay dhimashada ilaa iyo

