Taliska Booliska oo ka Hadlay Qaraxyadda iyo weerarka Ka Dhacay Muqdisho

0

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka lagu qaaday hoteelka Afrik ee ku yaala Magaaladda Muqdisho.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadaq Cali ayaa sheegay in dad badan laga soo bad-baadiyey hotelka, balse uu rumeysan yahay inuu khasaare nafeed jiro. Wuxuu intaas ku daray inuu howgal socdo.

“Galabta abaare 17:00, ayeey argagixisadu weerartay Hotel Afrik, oo ku yaala agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde. Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa,” ayuu yiri afhayeenka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here