Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weerar lagu qaaday Hoteelka Afrik ee ku yaaala Meel ku dhow garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho.
Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana xigay, dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, iyo dagaalyahano ka Tirsan Shabaab oo gudaha u galay Hoteelka.
Sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya raga hubeysnaa aya saacado ka dagaalamayay gudaha hoteelka,waxana kadib goobta yimid ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday Hoteelka Afrik ee ku yaaala Meel ku dhow garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho.
Dhanka kale Laamaha amaanka ayaa soo badbaadiyay saraakiil ciidan waxaa ka mid ah Generaal Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah milkilaha hoteelka. Waxaa ciidanka sidoo kale ay kasoo badbaadiyeen hoteelka Odayaal la sheegay in uu shir uga socday goobta.

