Dowaldda Soomaaliya Oo Loogu Baaqay In Ay xirto xuduudka ay la wadaagto kenya

0

iyadoo shalay dagaal xooogan oo udhexeya ciidamo ka tirsan dowladda faderaalka soomaaliya iyo jabhad hubeysan oo la sheegay in ay soo aabaabushay dowladda kenya ka tirsanaa mamaulka jubbaland ay ku dagaalameen magaalada balad xaawo ee gobolka gedo ayaa dagaalkaasi waxa lagu eedeeyay in ay ka dambeysay islamrkaasna ay qeyb ka qaadatay dowladda kenya

waxaana isoosoo taraya qeylo dhaanta iyo baaqyada kala duwan ee siyaasiyiinta soomaaliyeed ay udirayaa dowladda faderaalka soomaaliya

mid ka mid siyaasiyiinta maamulka jubbaland ayaa waxa ay dowladda ugu baaqeen in ay gabi ahaanba ka hortagto dhagarta ay dowladda kenya u maleegayso islamarkaasna ay gabi ahaanba xirto xuduud beenaadka ay wadadaagaan soomaaliya iyo kenya

siyaasiga ayaa waxa uu sheegay in dowladda keenya ay faragalin qaawan ku heyso soomaaliya ayna cadahay in ay ka qeyb aheyd dagaalkii balad xaawo ka dhacay islamarkasna ay daba ka riixay jabhadii hubeysneyd ee dalka kudoo duushay sida uu hadalka u dhigay

dhankale siyaasiga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda soomaaliya looga baahanyahay in ay ka digtoonaato hagar daamooyinka iyo faragalinta ay wado dowladda kenya

shalay ayay aheyd markii dagaal qasaare kala duwan geeystay uu ka dhacay magalaada balad xaawo ee gobolka gedo
dagaalkaasi oo jabhadii soo qaaday ay dowladda soomaaliya sheegtay in ay soo hubeysay kenya
waxaana mudan in wali si cad dowladda keenya aysan kaga jawaabin eedeeynta dowladda soomaaliya ee ku aadan in kenya ay jabhad inta hubeysay isoo dirtay in ay weerar ka geeystaan xuduud beenaadka keenya iyo somaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here