Al-Shabaab Oo Gordhaweyd Madaafiic Ku Weeraray Magaalada Garbahaarrey

0

wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen magaalada garbahaarey ee  xarunta gobolka gedo

tiro hubiyaal ah ayaa waxa la sheegay in lagusoo tuuray gudaha magaalada waxaana la aaminsayahay in weerarkaasi madaafiicda ah in ay ka dambeeyeen dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab

macada ilaa iyo hada qasaaraha ka dhashay weerarkaan madaafiicda ah oo barqanimadii maanta lagu qaaday magalada garbahaarey ee gobolka gedo

warar qaar ayaa waxa ay tilmaamayaan in weerarkaan lagu qaaday fariisimo ciidamada ethoobiya ay ku leeyihiin magaalada garbahaarey balse aysan jirin warar madaxnanan oo xaqiijinaya in madaafiicdaasi lala beegsaday xarumo ay kusugan yihiin ciidamada amisom gaar ahaan kuwa ethoobiya ee ku sugan magalaada garbahaarey ee xarunta gobolka gedo

Guddoomiyaha degmada garbahaarey ee gobolka gedo oo la hadlay raadiyahani simba ee muqdisho ayaa waxa uu shegay in ay jiraan hoobiyaasha lagu weeraray degmada ,waxaana uu weerarkaasi ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab

gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in aysan wali soo gaarin wax qasaaro ah oo ka dhashay weerarkaan madaafiicda ah

waxaana uu sheegay in dhankooda ay haatan wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan dagaalamayaashii al-shabaab ee weerarka soo qaaday

wali majirto wax war ah oo kasoo baxay al-shabaab oo nlooga hadlayo weerar madaafiicd ah ee maanta lagu qaaday magaalada garbahaarey weerarkaas oo la sheegay in ay qaadeen xubno ka tirsan al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here