Dowladda Somaliya Oo Markale Kenya Ku Eedeysay Dagaalkii Ka Dhacay Balad Xaawo

0

war qoraalka oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa waxa lagu  sheegay in dowladda soomaaliya ay cambaareynayso weerar qaawan oo maleeshiyo hubeysan oo dowladda soomaaliya ay sheegtay in ay soo aababushay kenya ay ku qaadeen degmada balad xaawo ee gobolka gedo

warkasoo baxay dowladda soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in keenya ay faragalin ay kusameynayso soomaliya islarkaasna ay jabhado inta soo hubeyso ay usoo dirtay somaliya

waxaana dowladdu ay sheegtay in weerarkaasi ay soo abaabushay dowladda keenya ay si geesinimo iyo waddanimo ah ay uga hortageen ciidamada dowladda faderaalka somaliya

qoraalka soo baxay wasaarada arimaha dubada xukuumda soomaliya ayaa waxa lagu sheegay in falkaasni weerarka ah ee ka dhacay magalaada balad xaawo uu ahaa mid ka baxsan nabad kuwada noolaashiyaha wadamada dariska ah ee geeska iyo sharciya aduun iyadoona dowaddu ay sheegtay in labada uu kasoo horjeedo

dowladda soomaaliya ayaa weerarkii ka dhacay magaalada baladxaawo ku macneysay duulan lagu soo qaaday dalka islamrkasna ay soo amaabushay dowladda keenya oo maleeshiyo soo abaabushay dabadana ka riixaysay sida qoraalka dowladda lagu yiri

sidookale dowladda soomaliya waxa ay sheegtay in dagaalkii shalay uu ahaa duulan fshilmay oo lagu soo qaaday jahuuriyada soomaaliya

dhankeeda dowladda keenya ayaa walaac xoogan ka muujisay dagaalka ka dhacay magaalada balad xaawo walow aysan si rasmi ah uga jawaabin eedeynta dowladda soomaaliya ay u jeedisay taasi oo kusaabsan in  jabhad hubeysan oo ay soo abaabushay dowladda kenya ay weerar kusoo dowladda soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here