Madaxweynaha Jubbaland oo Hambalyo u Direy Ardayda Jubaland ee Kaalmaha Hore Galay

0

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo  u diray Ardayda ree Jubaland ee kaalmaha hore ka galay Imtaxaanadka Dugsiga Sare ee Sanad Dugsiyeedka 2020/2021

Waxaa Madaxweynahu uu amaanay dadaalka Wasaarada  Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubaland isagoo xusay in sii hayaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo howlwadeenada kale ay halkaas kasii wadaan dadaalka ay ugu jiraan in Tacliinta iyo barbaarinta Ubadka uu noqdo mid ahmiyad gaar ah la siiyo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Macalimiinta iyo waalidka ardayda kaalmaha hore galay sidii ay ugu dadaaleen Mustaqbalka ardayda iyagoo wakhti iyo dadaal dheer ku bixiyay sidii ay halka ay maanta joogaan usoo gaari lahayeen.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in lasii kordhin doono tasiilaadka ay Dowladu ku bixiso dhinacyada Waxbarashada iyo hormarinta Bulshada si ay usoo baxaan jiil Aqoon ku hogaamiya Mustaqbalka Shacabka ree Jubaland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here