Axmed Madoobe oo Sheegay in Aysan Diidin La Kulanka MW Farmaajo+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe), ayaa ka hadlay hadal heynta maalmihii dambe ee ku aadaneyd in isaga iyo Madaxweynaha Puntland ay diideen la kulanka Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay in sababta ay magaaladda Muqdisho ay u yimaadeen isaga iyo madaxweynaha Puntland  Saciid C/laahi Deni ay aheyd dhameystirta Wada-hadalkii Dhuusa-mareeb.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in lama huraan tahay in shirkaani noqdo mid ay u dhan yihiin hogaamiyeyaasha dawladd goboleedyada idilkood si heshiis is ogol ah looga gaaro doorashada Soomaaliya.

Magaaladda muqdisho waxa haatan ku sugan Madaxweynayaasha Maamuladda Puntland iyo Jubbaland,waxayna Magaaladda kawadaan kulamo xasaasi ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here