Warar ka imaanaya deegaano hoosyimaada kismaayo ee gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka jubbaland oo dhinac ah ay lawareegeen deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al shabaab.
Deegaanada ay ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka jubbaland la wareegeen ayaa waxa la sheegay in uu ka midyahay deegaanka jananaay oo ka tirsan deegaanada hoose yimaada degmada kismaayo ee gobolka jubada hoose.
Wararka ayaa intasi ku daraya in ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka jubbaland ay wadan Howlgalo kuwaasi oo ay saraakiisha ciidamadu ku sheegeen in ay doonayaan in al shabab ay ugu saaraan deegaano horleh oo ay kaga sugan yihin gobolka jubbada hoose.
Ciidamada daraawishta dowlad goboleedka jubbaland oo garab ka helaya ciidamada ciidamada ayaa inta badan waxaa dagaal ku dhexmara deegaanada jubooyimka dagaalamayaasha al shabaab waxaana labada dhinac ay guula ka sheegtaan dagaaladaasi.
iyagoo midba midkale uu sheego in qasaaro uu ku gaarsiyay dagaaladaasi ,waxaana muddoyimkii dambe kordhy weerada ciidamada dowlada iyo al shabaab ku dhexmara gobolada jubboyinka.

