Qaramada midoobay ayaa shaaca kaqaaday in kulan heer sare ah ay uqabanayaan madaxda dowladda federaalka Somalia iyo sidoo kale dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Somalia waxaana kulankaasi ay sheegeen in lagu maamuusayo sanad guuraddii 75aad ee maalinta nabadda adduunka oo kubeegan 21 bishan aynu kugudajirno ee September sanadda 2020.
Qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha Somalia Ambassador James Swan ayaa lagu sheegay in kulankan lafilayo in ay kasoo qeybgalaan hogaamiyayaasha caalamka iyo sidoo kale saraakiil sare oo katirsan qaramada midoobay waxaana kulankan diiradda lagu saarayaa waxyaabaha hortabinta uleh dowladnimada Somalia iyo sidoo kale waxyaabaha muhiimka ah ee ladoonayo in laqabto inta udhaxeysa sanadaha 2021-2025.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in looga baahanyahay hogaamiyayaasha siyaasadda Somalia in ay fuliyaan waxyaabaha ay kuhishiiyaan islamarkaana waxa ay intaas kudareen in ay muhiimtahay in lahelo go,aan iyo kago,naasho dhinacyada siyaasadda Somalia si looga dhabeeyo yoolka laga leeyahay xasiloonida iyo soo celinta nabadda Somalia.

