Maamulka Gobolka Gedo ayaa war saxaafadeed ka soo saaray Faragalinta ay dawladda federaalka Soomaaliya kawado gobolkaas.
Maamulka ayaa sheegay in Xafiiska Madaxweynaha iyo Taliska NISA in faragalin ay ku soo sameeyeen Gobolka Gedo, ka dib doorashadii lagu murmay ee 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 ka dhacday Magaalada Kismaayo.



