Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalinta bari oo talaado ah lagu wadaa in ay soo gaaraan magaaladda muqdisho.
Labadda Madaxweyne ayaa khamiistii Magaaladda Garoowe ka shaaciyay in ay kusoo wajahan yihiin magaaladda muqdisho,islamarkaana ay halkaas kaga qeyb gali doonaan Shir u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda.
Shirkan ayaa la fillaya in diiradda lagu saaro doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan 2020/21, taasoo horaan loogu kala qaybsamay, ka dib markii Madaxda Puntland iyo Jubbaland ay iska diideen ka qaybgalka Shirkii Dhuusamareeb 3.
Sida qorshaha uu ahaa Labadda madaxweyne ayaa maanta oo Isniin ah soo gaari lahaa Magaalada muqdisho,balse waxaa la sheegay in safarkooda uu dib u dhacay,islamarkaana ay imaan doonaan Maalinta Talaabadda ah.

