Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Muqdisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka adeegyadda baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.
Hindise sharciyeedka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale xilidhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay akhrinta labaad marsiiyaan hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsayadaga .

