Diyaaradda Turkish Air Line oo Cilad Ku Qabsatay Hawadda Soomaaliya

0

Diyaaraddan oo sidday 207 rakaab ah ayaa ku wajahnayd dhinaca dalka Turkiga waxaana ay la kulantay ciladda dhinaca oxygen-ka ah kaddib markii uu gabaabsi ku noqday xilli ay sii galaysay hawada dhinaca Itoobiya.

Maamulka hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaraddu ay si nabad ah ku soo cago dhigatay iyadoo eegayaan injineerada Shirkadda duulimaadka si loo hagaajiyo cilladda.

“Diyaaradda ayaa waxa ay saacadu marka ay aheyd 1:15 ka duushay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana markii ay ku dhaweyd hawada dalka itoobia ku timid cilad hase ahaatee markii dambe waxa ay si nabad ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cade iyadoo nabad qabta mana jirto halis hada.

Ugu dambeyn diyaaradda ayaa loo hagaajiyay Xiriirka duulimaadka kaddibna ka duushay Garoonka iyadoo kusii jeeda dalka turkiga oo ay hore ugu socotay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here