Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay tiro dad qaxooti ah oo soo gaaray deegaanadooda kuwaasi oo sida la sheegay u dhashay dalka Suuriya, waxaana la sheegay in ay kasoo carareen qaxooxtigaasi dagaalada ka socda dalkaasi oo in muddo ah socda.
Gudoomiyha degmada dhuusa mareeb ee ahna duqa caasimada galmudug macalin cabdiraxman cali maxamed (geed qoroow) ayaa waxaa uu sheegay in ay kusoo dhaweeyeen Maagalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Maamulkaaasi, tirada dadkaan qoxootiga ah ee soo gaaray Galmudug ayaa ah 14-qof oo Siiriyaan ah.
Gudoomiyaha ayaan intaasi ku daray in dadkan qaxootiga ah ay u baahanyihiin in la cawiyo hadii ay rabaan in ay sii joogaan dhuusa mareeb iyo hadii ay doonayaanba in ay usii gudbaan gobalada kale ee soomaaliya.
Maamulka Galmudug ayuu sheegay in ay horay u hayeen qaxooti farabadan oo kasoo jeeda waddamada Itoobiya, Ereteria iyo Yeman kuwaas oo sida uu sheegay ay caawiyaann haatanna ay si caadi ah ugu nool yihiin deegaanadooda.

