Madaxweynayaasha Maamuladda Puntland iyo Jubbaland ayaa todobaadkaan lagu wadaa in ay soo gaaraan magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Labadda Madaxweyne ayaa Todobaadkii hore sheegay in ay kusoo wajahan yihiin Magaaladda Muqdisho,islamarkaana ay kaga qeyb gali doonaan shir u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalinta isniinta ah ay soo gaari doonaan Magaaladda muqdisho,islamarkaana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Dowladda Dhexe Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayna kala hadli doonaan arrimaha Siyaasadda haatan taagan.
Maamuladda Jubbaland ayaa ka maqnaan shirkii lagu go’aamiyay qaabka ay noqon doonto doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa sanadka 2021-ka,taasi oo dowladda Dhexe,3-maamul iyo Gobolka Banaadir ay isku raaeen in ay noqoto deegaan doorasho.

