Mareykanka oo Ka Hadlay Duqeyn Lagu Dilay Sarkaal Al-shabaab Ka Tirsanaa

0

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday koonfurta Soomaaliya in lagu dilay sarkaal Al-shabaab ka Tirsanaa.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel ku dhow Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay Cabdulqaadir Cismaan Yarow (Cabdulqaadir Kumaandoos).

Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa horey uga tirsanaa Saraakiishii Ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray Ururka Al Shabaab. Tan iyo xilligaana wuxuu ku jiray Ururka Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here