Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa safar shaqo ku Tagay Degmdda Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweyne Waare ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehelinayay Wasiirka dib u heshiisiinta Dowladda Hirshabelle,wasiir ku xigeeno,xildhibaano,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle, waxaana Warsheekh kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo xubno kale.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xariga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay degmada Warsheekh isagoo sidoo kale daahfuray gogol dib u heshiisiineed oo beelaha dega degmooyin ka mid ah gobolka Shabeelaha dhexe lagu heshiisiinayo.
Booqashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Degmada Warsheekh waxaa uu kula kulmay Maamulka Degmadaas iyo Xildhibaanada Golaha deegaanka, isagoo ka xog-wareystay xaaladda deegaanka iyo Arrimo kale.
Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kulankii uu la yeeshay xubnaha deegaanka degmada Warsheekh waxa uu kala hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen midnimada iyo ammaanka degmada ku taal xeebta Badweynta Hindiya.

