Maxaa Ka jira in Taliye Ciidan Xilka Laga Qaaday, Askarna Xabsiga La Dhigay,Kadib Weerarkii Elite

0

Kadib weerarki dhawaan ay Al-shabaab ku qaaaden Hotel Elite ee ku yaaal agagaarka xeebta Liido eee degmada cabdicaziz ee gobolka Banaadir waxa isasoo taraya eedeynta loo jeedinayo dowlada dhexe eee somaliya ee ku Aadan iney dayacday Amniga Magaalada muqdisho.

Waxa warar kale soo baxaya ay sheegayaan in Taliyaha guud eee ciidamada Booliska  general cabdi xasan xijaaar uu shaqo joojin ku sameeyey Taliyihi Booliska degmada cabdicaziiz sababo laxiriira werarki  hoteel elite.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay intaas kusii darayan in Taliyaha cidamada Booliska  uu amray in gebi ahaaanba la xiro ciidamadii joogay Baraha kontoroolka ee laga galo xeebta liido kuwa oo lagu eedeeyay in goobta ku kusugnayen uu maray gaariga.

Waxaa xusid mudan in Reysulwazaaraha xilka sii hayo uu laaamaha Amniga uu faray in baaritaano dheerada lagu sameeyo qaraxa ka dhacay Hotel Elite kaasi oo ay waxyeelo isuga jira dhimasho iyo dhaawac leh ka dhashay waxana dhimashada laamaha amniga ay ku  sheegen iney garayan 15qof Tiro intaas ka badana ay ku dhawacmeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here