Wasiirkii Beeraha Maamulka Hir-shabeelle oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Jowhar

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa ku waramaya in Magaaladaas caawa lagu dilay xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Maamulkaas sidoo kalana Wasiir ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Kulmis ee Magaaladda Jowhar,waxaana xildhibaanka la dilay xili uu hoygiisa ku sugnaa Maqribkii caawa.

Xildhibaanka la dilay sidoo kalana wasiirka ahaa ayaa lagu magacaabi jirey C/qaadir Karaani,waxaa todobaadka Xilka Wasiirka Beeraha Maamulka Hirshabeelle u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay Xildhibaanka, waxaana goobta gaaray ciidamadda Amaanka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here