Dowladda turkiga ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii qaraxyada ku billowday ee lagu qaaday hoteelka Elite oo kuyaalla dhinaca xeebta liido degmada c.casiis ee gobalka benadir waxaana qaraxaasi uu gallaaftay nolosha inkabadan 16 qofood waxaana kudhaawacmay qaraxan inkabadan 18 qofood sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka dowladda federaalka Somalia.
Wasaaradda arrimaha dibadda dalka turkiga ayaa si xooggan u cambaareeysay weerarkii Alshabaab ay kuqaadeen hotelka Elite oo kuyaalla agagaarka xeebta liido,qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka turkiga ayaa waxaa lagu yiri “waxa aynu helnay akhbaar xun taasi oo ah in dad ay naftooda kuwaayeen weerar qarax kubillowday sido kale ay dad badan kudhaawacmeen qaraxa ismiidaamiinta ah oo ay lasocotay toogasho kaasi oo kadhacay caasimadda Somalia”.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar shalay galinkii dambe lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada muqdisho waxaana ay sheegeen in saraakiil katirsan dowladda ay kudileen weerarka ay kuqaadeen hetalka Elite ee magaalada muqdisho.

