Akhriso;-Al-shabaab oo Shaaciyay Sababta ay u Beegsadeen Hoteelka Elite

0

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qarax iyo weerar galabta lagu qaaday Elite Hoteel oo ku yaala Xeebta liido ee Magaaladda Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka aadka u xooggan ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliska ciidamada Al Shababaab ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu weerar ismiidaamin ah iyo mid xoog kugal ah ku qaadeen dhismaha Hoteelka  Elite oo kuyaal xeebta Liido oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

“Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah ah ku qaaday Hoteel uu leeyahay xildhibaan katirsan Baarlamaanka  oo kuyaal degmada C/Caziiz ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Shabaab waxa ay sheegeen sababta ay u beegsadeen Hoteelka ay aheyd In ay ku shirsaanaayeen saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Somaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here