Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo lala eegtay wafdi uu hogaaminayay wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda kalsoonidda lagala noqday ee C/laahi goodax Barre.
Qaraxan ayaa ka dhacay Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, ee Maamul goboleedka jubbaland.
Sida ay muujinayaan sawirro lasoo bandhigay qaraxa ayaa burburiyay mid kamid ah gaadiidka uu la socday wasiirka.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in qaraxaas uu ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu kala magacaabo Maxamuud Cali magan iyo Cabdicasiis Dhaga-qool.
Dhaawacyadaa labadaan Xildhibaan ayaa lagu soo qaaday diyaarad, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo la keeno Magaalada Muqdisho,halka wasiir Gooda Barre la xaqiijiyay in uu caafimaad qabo.
Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin qaraxa ka dhacay Gobolka Gedo.



