Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa maanta la wareegay degmadda Kuntuwaareey ee gobolka Sh.hoose, halkaasi oo aheyd Taliskii ugu Weynaa Alshabaab ee gobolka Sh.hoose.
Dagaal kooban oo ka dhacay halkaasi ayaa waxaa lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al-shabaab, iyaddoo qaar kale nolosha lagu qabtay.
Ciidanka Danab ayaa Xabsi ku yaalla Degmadda Kuntuwaareey kasii daayey dad Shacab ah oo Alshabaab u xirnaa, waxaana sidoo kale ay soo badbaadiyeey Caruur ay Shabaab u tababarayeen Is-qarxinta iyo Dagaalada.
Xiliga ciidanka kumaandooska gudaha ay ugalayeen kuntuwaareey waxaa uu shir uga socday qaarkamid ah hogaanka al-shbaab kuwaasi oo qaarkood ladilay qaarna ladhaawacay qaarna nolosha lagu qabtay halka kuwa kalana ay si dirqi ah kubaxsadeen.
Saraakiisha lagu dilay Howlgalkaan ayaa kala ah:-
1- Madaxa Jugta Culus ee Gobalka Sh.Hoose Maxamuud Axmed Gaboobe Raage (Daariq)
2- Madaxa Maaliyadda Kuntuwaareey Qaalid Cumar Sariix.
3- Madaxa Maxkamadda Kuntuwaareey iyo degaanada hoos yimaada Muxsin Shiikh Cali.
4- Madaxa Jabhadda ka howlgasha Kuntuwaareey (Saalaxudiin)
Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gle Ismaaciil Cabdi maalik maalin ayaa idaacadda sheegay in Ciidamada ay howlgalo ka wadaan Xaafadaha ay ka kooban tahay degmadda Kuntuwaarey, iyaggoo ku raad jooga baxsadka Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.
Degmadda Kuntuwaarey ayaa waxa ay aheyd Goobta kaliya ee xoogga Shabaabka ku haray, waxayna sidoo kale Ciidanka Danab kaabiga ku hayaan Sablaalle oo ay gaareen Shabaab.





