Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa galinka dambe ee Maanta ku wajahan magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Magaladda Dhuusa-mareeb waxa ka dhacaya Shirka Dhuusa-mareeb 3,kaasi oo looga hadlaayo doorashadda dalka ka dhacaysa,sanadaka 2021-ka.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay safarka Madaxweyne Farmaajo,ee Magaaladda Dhuusa-mareeb.
“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu yiri Madaxa Warfaafinta xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

