Iyadoo ay jirto walaaca la xiriira inuu baaqdo Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee lagu balamay inuu qabsoomo 15ka Bishan ayaa Guddiyada farsamada & ka baaraandagida hawlaha Doorashooyinka oo shalay kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, waxa ay kulamo la qaateen Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug &kan Koonfur Galbeed.
shirka guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyiinka ee Muqdisho ka dhacay ayasan ka qeyb galin xubnihii matalayay maamulada Jubbaland iyo Puntland.
Wasiirka warfaaafinta dowlad gobaleedka galmudug axmed shire oo la hadlay idaacada simba waxa uu sheegay in shirka waqatigiisu ku dhici doono waxab uu sheegay in laga yaabo shirku cilad farsamo awgiisa uu uu dib u dhac ku yimado asagoo taasi sabab uga dhigay in ay jirto mashquul xaga dowlada dhexe iyo dowlad gobaleedyada dalka ah
Waxa uu sheegay wasiirku in ay rajaynayaan in shirka uu qabsoomayo asagoona sheegay in shirkaas I looga hadli doono doorashooyinka qranka iyo sidi xal waarta looga gaaari lahaa muran siyaasadeedka kataagan guud ahaan dalka
Shirka oo lagugu ballansan yahay in 15-egust ee sanadkan uu ka furmo magaaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah mamulka galmudug ayaa waxaa horay gogoshiisa u dhigay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye qoorqoor, waxaana shirka la sheegay in aysan ka qayb galin doonin maamulada Puntland iyo Jubaland.

