Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamadda Maamulka Puntland iyo kooxo Maleeshiyaad ah oo ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Ciidamadda maamulka puntland ayaa weerar ku qaaday xarun lagu iibiyo Khamriga oo ku taala magaaladda gaalkacyo taasi oo lagu magacabo xeradii kabista.
Ciidamadu aya gacanta ku dhigay intuu howlgalka socday baaruur Khamriya iyo lix qori oo AK47 ah, kuwaas oo ay wateen kooxda la qabtay oo dhammaantood xabsiga loo dhaadhiciyay, marka laga reebo midkood dhaawacmay oo isbitaal la geeyay.
Dhanka kale waxaa iska hor imaadka ku dhintay Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Puntland G/sare Cusmaan Cumar Maxamed,kaasi oo howlgalka hogaaminayay.

