Al-shabaab ayaa sheegay in qaraxii shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ay ku dileen 24-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya.
Qaraxa oo gaari laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Xero Ciidamada Militariga Somaliya ay ku leeyihiin dhabarka dambe ee Stadium Muqdisho degmada Warta Nabadda.
Xeradan waxaa degan ciidamada Xoogga dalka Somaliya, gaar ahaan Guutada 27aad ee Militariga Somaliya oo uu Taliye u yahay Generaal Tareedisho oo ka mid Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya.
Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxa lagu dilay 24-askari oo Dowladda Soomaliya ka tirsnaa 32-kalana la dhaawacay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa ay ku gubteen laba gaari Tikniko ah iyo gaari jeemis ah oo uu ku rakibnaa qori Zuug ah, sidoo kale 2 gaari Cabdi bilayaal ah ayay waxyeella xooggan kasoo gaartay weerarka.
Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin dheeraad ah ay ka bixiso khasaaraha ka dhashay weerarka.

