Dowladda Talyaaniga oo Wax Ka Qabaneysa Arrimaha Fatahaada Beledweyne

0

Madaxweynaha Hirshabelle Md Dr  Mohammed Abdi Ware ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiir ku xigeenka Dowadda Talyaaniga ee Soomaaliya ambassador Tabio Massimo waxaana ay ka wada hadleen wax ka qabashada Arrimaha Fatahaada Beledweyne, waxaana Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruuci in dhowaanba la sugayay ee ka hortaga Fatahaada Mashruucaasi oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar (6,000,000$).

Safiirka ayaa U sheegay Madaxweynaha In lacagtaas Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay ay doonayaan Dad reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto Arrimaha Fatahaadaha Beledweyne ee soo noq noqday, waxaana madaxweyne Waare uu kaga Mahadceliyay Caawimaada Talyaaniga, waxaana aqbaarta la xiriirta Ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee ka hortaga Daadadka Beledweyne ay ka dhigantahay Guul muujineysa dadaalka socda ee la xiriira arrimahaas Fatahaada.

Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha Ayaa waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey’adda Cunada iyo Beeraha Ee FAO.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here