Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada awdheegle ee gobolka shabeelada hoose waxey ku khaarijiyeen sarkaal iyo Dagaalyahano katirsanal-shabaab.
Ciidanka ayaa ka warhelay goob ay isku uruursanayeen al-shabaab una jirta awdheegle 6-km ayay ciidanka udhaqaaqeen waxeeyna halkaasi kudileen 8-maleeshiyaad ah oo uu kujiro Sarkaalkii Al-shabaab uqaabilsanaa aawdheegle iyo degaanada hoosyimaada.
Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-ka Oktoobar XDS G/le Axmed Maslax Xuseen ayaa xaqiijiyay dhimashadda sarkaalka iyo ciidamadii la socday.
Ciidanka Xoogga ayaa gobolka shabeelada kawada howlgalo lagu baacsanayo al-shabaab.

