Beesha Caalamka oo Dhaliil u Jeedisay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

0

Beesha Caalamka ayaa ka hadashay  tallaabadii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku hor istaageen akhrinta 1aad in la marsiiyo Hindise Sharciyeedka Dembiyada Galmada.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa walaac loogu muujiyay arintii shalay ka dhacday Xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa eedeen u jeedisay Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Qaramada Midoobey iyo la-hawlgalayaasheeda kale ee joogga Somaliya ayaa walaac ka muujiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo ku aadan isku-dayga in miiska la soo saaro Hindise Sharciyeed cusub oo qoto dheer, kaasoo ogolanaya guurka carruurta iyo inuu ka hortaggo heshiiyada caalamiga ah ee la xiriira.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska UNSOM ayaa Golaha Wasiirada ee Somaliya ugu baaqay inay dib u soo bandhigaan Hindise Sharciyeedka Dembiyada Galmudug.

“Wuxuu ku boorinayaa Golaha Wasiirada inay dib u soo bandhigaan Hindise Sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here