Faah-faahino ayaa kasoo baxaya Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Xerada ay degan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku taalla inta u dhexeeysa Xarunta Xisbiga iyo Isgoyska Baar Ayaan ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay Iridda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.
Jugta qaraxas ayaa siweyn looga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay Albaabka hore ee Xerada Guutadda 12-ka April.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo dad shacab ah oo Xerada ka Agdhawaa.
Qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas xoogan furay Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa meel aan sidaas uga forey, halka la weeraray, waxaana daqiiqado kadib halkaas tegay Ciidamo farabadan oo Booliska ah, iyagoo gabi ahaan aaga xiray.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 12 ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in 6 qof ay qaraxaas ku dhinteen, halka tiro intaas kabadanna ay ku dhaawacmeen,
Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlaha badbaadinta dadkii qaraxasi uu dhaawaca ka soo gaaray
welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Dowladda oo ay uga hadlayaan qaraxaas dhacay.
Ma ahan markii ugu horaysay oo qaraxyo noocas ah ay geestaan dagaalamayaasha al shabaab kuwaasoo weerara kala duwan ka geesta gobalada dalka haba ubadnaatee gudaha caasimada dalka mugadisha

