Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxii shalay ka dhacay magaaladda muqdisho kaasi oo lagu beegsaday Maqaayada Luul Yamani ee ku taala meel ku dhow Dekadda magaaladda Muqdisho.
Shabaab waxa ay sheegeen in Maqaayadda ay beegsadeen ay aheyd xarun ay isugu yimaadaan saraakiisha ugu sareysa Dowladda, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale islamarkaana ay kaabiga ku heyso xarumo dhawr ah oo muhiim u ah dowladda sida xabsiga dhexe, xarumaha maxkamadaha,xarumaha wasaaradaha iyo saldhigga degmada Xamar Jajab.
War kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in 9 ka tirsan saraakishii iyo Ciidamadda la beegsaday ay halkaas naftooda ku waayeen halka dhaawucuna uu gaarayo illaa 14 kale.
War kale oo kasoo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxa uu qeyb ka yahay hawgallada Saraakiisha Dowladda iyo askartooda lagu beegsanayo.

